Home News in English War Hada Ah Stefan Löfven oo soo tijaabinaya Dhismaha Dowlada Cusub isagoo...

War Hada Ah Stefan Löfven oo soo tijaabinaya Dhismaha Dowlada Cusub isagoo Xisbiyada ugu baaqay.

0

Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén oo kulan la qaatay Gudoomiyaasha Xisbiyada ayaa kulanka kadib la hadlay warbaahinta.

Shirkiisa jaraa. id ayuu kaga hadlay Kulanka uu la qaatay Xisbiyada isagoo sheegay in tilaabada labaad ay tahay sidii Stefan Löfen uu u soo dhisi lahaa Dowlada isla markana uu u soo sahmin lahaa Dowlad kalsooni ka heesata Barlamaanka.

Afayeenka Barlamaanka ayaa intaasi ku daray in uusan ka walwaleyn Xaalada Taagan Madama uu heesto Bil iyo ka badan Xiliga doorashada lagu celinayo.

Shirka Jaraa.id ee Stefan Löfvan.

Raisal Wasaarihii hore ee Sweden Stefan Löfven oo kulanka kadib dhankiisa Qabtay Shir jaraa. id ayaa ka hadlay dhoor Arimood.

Hadalka Stefan waxaa ugu muhiimsanaa Qaabka Xukuumada loo soo dhisi karo isagoo ku celiyay in laga gudbo Xisbiyada isbaheystay loona gudbo Dowlad wadajir ah.

Hogaamiyaha ayaa soo jeediyay labo tilaabo oo kala ah.

Qorshaha ugu horeeya in laga gudbo Xisbiyada kala Ah Alliansen iyo Rödgröna lana dhiso Dowlada isbaheysi oo Xisbi walbo ku jiro ama Dowlad uu Hogaaminayo Xisbiga Socialdemokraterna oo tageero ka heleyso Xisbiyada Barlamaanka.

ugu danbeyn Stefan oo loo soo bandhigay in mudo isbuuc ah uu dowlada ku soo dhiso ayaa codsaday labo isbuuc si lamid ah Xisbiga Moderateka.

lasoco wixii ku soo kordha.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here