Home Wararka Maanta Xisbiga Socialdemokraterna oo dhankiisa soo Sharaxay Musharaxa Afayeenka Barlamaanka.

Xisbiga Socialdemokraterna oo dhankiisa soo Sharaxay Musharaxa Afayeenka Barlamaanka.

0

iyadoo xisbiyada isbaheystay ay ku dhawaaqeen musharaxa u matalaya doorashada Afayeenka Barlamaanka Sweden oo dhaceysa maalinta isniinta ayaa dhanka kale S waxa uu soo sharaxay musharaxa dhankooda.

Sida uu sheegay Anders Ygeman oo ah gudoomiyaha Xildhibaanada Socialdemokraterna Waxay isku raaceen in Åsa Lindestam ay u taagan tahay xilka gudoomiyaha Barlamaanka.

Anders Ygeman  oo la hadlay warbaahinta waxay sheegtay in Xisbiyada Alliancen ay diideen sidii leeskugu raaci lahaa Hal Musharax oo noqda Afayeenka Barlamaanka Sweden.

Xisbiyada Sweden ayaa u muuqda kuwa ku kala aragti duwan sidii loo soo dhisi lahaa Dowlad cusub waxana xisbiyada isbaheestay ku kala duwanyihiin cida hogaamineysa Dalka.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here