Home News in English Migrationsverketka oo soo saaray Qayaasta Qaxootiga Dalka imaanaya Sanadkan iyo..

Migrationsverketka oo soo saaray Qayaasta Qaxootiga Dalka imaanaya Sanadkan iyo..

0

Hay.ada Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa dhamaadka Bishii hore soo saartay Qayaasta qaxootiga la filayo in Dalka soo gaaraan.

Qayaastii hore loogu sameeyay Qaxootiga Dalka soo gaaraya ayaana wali wax isbadal ah ku dhicin sida ay hay.ada Markale shaacisay.

Sanadaha kala ah 2018 iyo 2019 ayaana wali taagan halkii hore waxaana la filayaa ku dhawaad 23,000  kun oo Qaxooti ah sanadka 2018 halka 2019 la filayo 29,000 kun oo Qaxooti ah.

Hay.ada ayaana Sabab ugu dhigtay hoos u dhacaasi Koontaroolada loo sameeyay Dhanka Xaduuda iyo wali heshiiska yurub uu la galay Dalka Turkiga ee dhanka Qaxootiga.

Qayaasta la filayo sanadka 2019 ayaa isbadal ku dhici karaa madama doorasho cusub ka dhaceyso Dalka bisha danbe.

Ugu danbeyn laanta Socdaalka Sweden ayaa sheegtay in wali ay sugeyso go.anka lagu ogolaanayo sharciga quseeya dugsiyada sare.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here