Home Wararka Maanta 20 Qof oo ku dhimatay Dab la kacay Mid kamid ah Wadamada...

20 Qof oo ku dhimatay Dab la kacay Mid kamid ah Wadamada Yurub..

0

Dalka Gariiga waxaa ka kacay dab xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali socda dadaalo xoogan oo lagu doonayo in dabkaasi lagu damiyo kahor inta uusan kusii faafin dhul hor leh.

Dabka ayaa hada ka socda Kaymo kuyaala duleedka caasimada Gariiga ee Athens, waxaana dabkan uu baabi’iyay guryo iyo gaadiid badan, waxa uu sidoo kale guryahooda ka barakiciyay dad kale oo badan.

Ra’isul Wasaaraha dalka Gariiga Alexis Tsipras ayaa sheegay in dowlada sameeneyso talaabo kasta oo lagu xakameyn karo dabkan xoogan, waxa uuna dadka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha uu dabku ka socdo.

Dad ka badan 20-qof ayaa lasoo sheegayaa in dabkan xoogan ku dhinteen, dadka dhintay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhax geeriyoodeen guryahooda iyo sidoo kale baabuurtooda.

Dabkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 100 ay ku jiraan caruur, waxaana dadka dhaawacyada kala duwan qaba qaarkood lasoo sheegayaa in xaalad halis ah ay ku jiraan.

Dabkan xoogan ayaa ka socda Keymo kuyaala duleedka magaalada Athens, waxaana dowlada Gariiga dalbatay kaalmo caalami si looga gacan siiyo sidii dabkan xoogan loo damin lahaa .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here