Home Wararka Maanta Linköping:- Iskuulada Xanaanada Caruurta (förskolan) oo la xiray ilaa amar danbe

Linköping:- Iskuulada Xanaanada Caruurta (förskolan) oo la xiray ilaa amar danbe

0

Laga bilaabo Arbacada maanta ee Maarso 25, iskuulada Xaanada furan ee Linköping ayaa la xiri doonaa. Go’aanka waxaa gaaray guddiga caruurta iyo dhalinyarada wuxuuna ku saleysan yahay soo jeedinta Maamulka Caafimaadka Dadweynaha in ay isku dayaan in ay yareeyaan faafitaanka viruska Corona.

Tirada dadka soo booqda xilliyadii ugu dambeeyay ayaa aad u yaraa, ayaa lagu qoray war-saxaafadeedka degmada. Ujeeddadu waa in la yareeyo faafitaanka cudurka iyo in la sii daayo shaqaalaha dugsiyada Xanaanada ee degmada.

Go’aanku waa mid ku meel gaadh ah oo ansax ah ilaa ogeysiis dambe. Warbixin ku saabsan goorta ay furan yihiin iskuulada barbaarinta sida caadiga ah ayaa mar kale lagu soo Qoridoonaa bogga degmada Convid-19.

Somaliska Stockholm

Waxaa turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here