Home Wararka Maanta Magaalada Borlänge Meydka Haweeney looga shakiyay in la dilay oo laga helay...

Magaalada Borlänge Meydka Haweeney looga shakiyay in la dilay oo laga helay beerta gurigeeda.

0

Haweeney 70-jir ah ayaa laga helay magaalada Borlänge. Booliska ayaa bilaabay baadhitaan hordhac ah oo dilka ku saabsan.

“Ma dhihi karno waa dhimasho dabiici ah. Tani waa xaalad aan caddayn, “ayuu yiri Jan Matérne, oo ah taliyaha booliska ee gobolka Bergslagen, oo la hadlay TT.

Haweeneyda ayaa laga helay beerta gurigeeda. Goobta ayaa loo xiray baaritaan farsamo dilka kadib.

Digniinta dhimashada ayaa timid saacadda marka ay aheynd 15.00 ee Sabtidii, sida uu qoray wargayska Aftonbladet.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here