Doorashada madaxweynaha iyo hamiga Soomaalida Sweden

Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaya doorashada taariikhiga ah ee lagu dooranayo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya. Guud ahaan soomaalida ku nool daafaha caalamka ayaa isha ku haya doorashada iyo cida ku soo bixi doonta madaxweynaha Soomaaliya.

Bilihii u dambeeyay ayaa xaalada Soomaaliya waxay ahayd mid soo hagaagaysa iyadoo Soomaali badan oo ay ku jiraan kuwa ku nool Sweden ay niyada ku hayaan in ay ku laabtaan dalkooda oo nabad ah, qaar badan ayaa boorsooyinka u xiranyihiin oo marka aan waraystay ii sheegay in aysan dib u sii joogi doonin Sweden. Qaar kale ayaa aaminsan in aan lagu degdegi karin xaalada Soomaaliya oo aan laysku halayn karin amaanka.

Arinta aan doonayo in aan ka hadlo ayaa ah qofka doonaya in uu Soomaaliya ku laabto, waa maxay qorshaha aad doonayso in aad kula noqoto Soomaaliya? Inta badan dadka aan wareystay ee ay ka go’antahay in ay Soomaaliya ku laabtaan ayaa ah kuwa shaqo la’aantu ku hayso Sweden ama si guud ugu fashilmay nolosha wadankaan. Waxaan la kulmay dad wadanka 20 ilaa 10 sano joogay oo ilaa hada cayr qaata, dadkaas ayaa ugu badan kuwa doonaya in ay boorsooyinkooda qaataan.

Aniga aragtideyda waxay tahay in qofka doonaya in uu Sweden ka laabto oo u noqdo Soomaaliya uu buuxiyo labo shuruudood midkood, 1. In uu Sweden wax ka bartay oo doonayo in uu wadankiisii u faa’iideeyo, 2. in uu Sweden shaqo ku haysto oo lacag urursaday, sidaa darteedna doonayo in uu ganacsi ka abuuro Soomaaliya. Qofka aan Sweden labadaas midkoodna ka qaban ee doonaya in uu Soomaaliya ku laabto waxaan isleeyahay in uu dulsaar ku noqon doono wadanka hada soo kobcaya ee u baahan dib u dhiska.

Soomaaliya ma ahan meel cayr laga qaadanayo, ee waa wadan u baahan dadka waxbartay iyo kuwa waayo aragnimada shaqada iyo ganacsi wata.  Hadaba waxaan leeyahay “ninkii aan Sweden ka faa’idaysan, Soomaaliya waxba u faa’idayn maayo”. Sidee kula tahay adiga?

12 comments

  1. Abdirazak Hassan

    Adiga dadka ceyrta qaata maxaa ku daba dhigay? ceertaas ayaa laga dhisaa Soomaaliya. wax Sweden laga faa`iidaayo oo soomaaliya la geynaayo oo aan ceertaas ahayn ma aqaano. Meeqo milyan oo Soomaali ah ayaa ku nool ceerta yurub? 1/3 soomaali.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  2. abdi

    marka hore waxaan salaamayaa bahda somaliska iyo jimcaale aniga fakir ahaantey waxaan qabaa hadalka aad soo qortay qofka wax ufaa ideynaayo inuu aado somali qofkii wadan kaa sweden kafa ideysan waayayne somaliya inuu wax ka keeneyn taas ayaa aamin sanah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. INDHAHAAD KA RIDAY ADEER

    walee waa dhab dad badan ayaa ku fashilmay wadanka, waliba waxaan odhan lahaa ka ganacsiga samaynaya waxa ka sii wanagsan kan wax bartay wadankan aan joogno aqoon ayaa halkaa gaadhsiisay, markaa alle wadanka hanoo hagaajiyo bro.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. saacid

    Arin kale ayaan rabaa inaan wax kaa weydiiyo, ma waxaa wax laga bedeley arinti mideynta qoysaska, wiigii hore waxaan arkay dhowr qof oo aan ka mid ahay oo reject la siiyey markii xitaa la xaqiijiyey DNA test. marka adigoo mahadsan ma noo soo hubin kartaa sababta, waxey ku marmarsiyootey qofka goaanka gaarey sharciga ay heysato xaaskeyga oo ay ku tilmaantey protection inuu yahay, anigana la iga rabo passport la aqaansanyahay… please this is serios wixii karaankaaga ah. akhbaar ka keen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. said

    waxaan qabaa in dawlada shacbiyad ku dhisan kamadhalanayso somaliya ee waa dawlad reer galbeedku rabaan in ay shabaab kuladagalabaan wadanka waa lahaystaa ee wadan xora marka hore ala arko been yaan laysu sheegin falastiin ayaad tihiin qaabkeedoo kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. wadani

    asc dhaman aqristayasha marka labad ninka jimcala layirahda waxaa moda in wadani nimada ka luntay wayo aniga ka rayi ahan ninka swedhan ku shaqesta walh waxa ka nolol wanagsan ninka nolosha ugu hosesa wadankisa ugu nol marka ilama ahan in ay tahay kaliya labadas sharud aniga wanshaqesta sacas walh somaliyana wan ku shaqen jiray shakhoyinka iska hose oo nolol la dagal ah mana sisanaya ti mida an hada shaqesta wana rajena in an labta hadi ay waxyar ku darsanta rajada hada jirta marka qimaha wadanka haku nacsin dadka adigo cay uga dhigaya wa fashilmen dhor marna wan aqriyay walh wararkaga waxa jeceshahay cayda umadada iyo dalkaga ka wallnimo waxan ku leyahay dhaqankas badan waa iga talo walh marka an ku dhahayana adigan qima ku haya o waxa tahay nin walalkey ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Somali dhab ah

    abdrizak hassan aniga hadii aan awoodo adiga waan kaa tarxiili lahaa Sweden oo diyaarada ugu horayso ayaan kusaari lahaa, runtii waana adiga oo kale waxa magaca naga dilay oo mashaqeystayaal noola heesto aad iyo aad aan uga xumahay runtii adigoo kunool wadan aad wax alla waxii jira oo macquul ah aad noqon karto hadana aad ka indho la dahay, marka waxaan kugula dardaarmaa inaad wax barato waayo indhoole wax ma dhaantid fursada aad heysatona ka faa’iidayo hadii kalena iska aamus oo ha isla saxsanaanin hadii aad nolosha ku fashilantay oo ceyr ha u doodin runtii inyar oo damiir ah hadii uu kugu danbeeyo waad yaxyixi lahayd oo ka xishoon lahayd hadala noocaas o kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    1. qabta

      nagatag jimcale nacas dadka wadaniyad aa celineyso maahin wax kale ineey u noqonaayaan adna cunsuri aa tahay

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

      1. qabta

        ciil kaada aa i haayo hadaan ku arki lahaa aan kuugu ceejin lahaaaa

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Qurbaawi Yare

    Asc dhamaan inta boga kuxiran, salaan kadib. Walaakeey jimmcaale waxaan usheegayaa dadkii horey usoo galay Sweden qaarkood wax bey barteen qaarna waxba mabaranin waxqigii ay wax ku baran lahaayeen na waa ka qasaaray. Marka hadii ay dhahaan wadanka ayaan kulaabaneynaa daruuf ayaa ugeysay qaarkood ceyrta ayeey ba gabeenba oo laga jartay marka hala yaabin ayaa sidaas iska dhigay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Shiino

    Asc Jimcaale adiga waxa iska kaa darsan qofka ban aadamka ah wuxu leeyahay fikirkisa iyo rabitaankiisa hana iloobin in ruuxa go ankiisa uu asaga lee yahay hadii aad yurub shaqeyso iyo hadan shaqeyn ma sheegi kartaa waxaan aheen in imaankada daciifayo sababtoo wadamada gaalada in cibadada taam noqoneyn sow ma ogid shaqada aad sheegeyso sow ma ah mida saladaha qaar kugu dhaafayo marka caqiido iyo camal suuban waa somaliya amay qeyrkeeda islamka ah kaliya hijro in aan ku joogto ayaa naloo ogol yahay ee dhankasana ka fiir qoraalkada ama warbixintada wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. abdi hayaacdo

    kkkkkk waraada idinka dabaal yaal maa tihiin jimcaale shaqadiisa dhan waa website kaan iyo ceer uu ku qaato dawlada marka hadaad idinka dhan laabatiin yuu u shaqeeenaa oo uu lacag ka helaa kkkkkkk bariiskiisa uu fiirsanooyaa kkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

Sveriges största somaliska språk hemsida. Läs Sveriges senaste nyheter på Somaliska. Information för somalier i Sverige. Somaliska Lexikon. Bogga wararka Soomaalida Sweden. Wararka Nolosha Sweden.