Dhibaatada Khaatka: Nin Soomaali ah oo xabsi lagu xukumay

By Jimcale
On July 17, 2012 At 16:20

Category : Nolosha, Warka

Responses : Comments are off for this post

Nin Soomaali ah ayaa maxkamada ku taala gobolka Värmland waxay ku xukuntahay 1,5 xabsi ah ka dib markii lagu qabtay 338 kiilo oo khaat ah. Ninkaan ayaaa sidoo kale lagu soo oogay dambiyo ay ka midyihiin in uu isku dayay in uu ka baxsado booliska, isagoo baabuurka si qaldan u waday oo wadada dhinaca qaldan kaga socday.

Sheekada ninkaan ayaa dhacday dhamaadkii bishii Maj, iyadoo nin Swedish ah uu ka shakiyay baabuurka ninkaan oo si qaldan u socday. Ninkii ayaa booliska wargaliyay. Isla markii ay boolisku yimaadeen ayuu ninkaan sheelaraha u qabtay baabuurka isagoo 60km la cayrinayay. Markii shidaalka uu ka dhamaaday ayaa gacanta lagu dhigay, isla markii ay boolisku baaritaan ku sameeyeen baabuurkiisa ayay cadaatay sababta uu u cararay.

Ninkaan oo aan magaciisa la shaacin balse da’diisa lagu sheegay 41 ayaa booliska u sheegay in uu lacag aad ugu baahnaa isagoo 10,000kr loo balan qaaday haddii uu Khaatka gaarsiiyo magaalada Oslo. Ninkaan ayaa hada 1,5 bar ku dhamaysan doona xabsi.

Comments are closed.



Comments

  1. subxaana laah bal waa kaas kaasoo miran ayaa sumcaeena kucayaaraaya muxu faaiday?maxa kukalifay magaajo ayuu dhimanaayay?sababta uu naftiisa biima moortu ugaliayay ayaaban layabanahay noocaas weeyaan waxa jinsiyadeena kucayaaraaya oo hoos uridaaya sumcadeena xirnoow dheh abid macsonkor

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

     — 
  2. asc wr wb ilahey ha usoo fududey walalkey gacanta cawada xabsi wax fican mahan asiga allah soo hanuun walalkey hada wax soo qoray adiga allah ka cabsi ilahey ayaa asiga u qadaray ee u ducey waa iga nastexo akhi

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

     — 
  3. asc wr wb ilahey ka soo dayo xabsiga xabsi ma fududey ilahey ha soo hanuuni aniga allah na hanuuni walalkey wax soo qoray waa iga nastexo ee allah ka cabsi walalka oo xabsi ku jiro in aad caysad waa qalad akhi

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

     — 
  4. wan ka xumahay y ha soo hanuuniyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

     — 
  5. ASC dhamaan waa wax laga xumaado lakiin waxaan leeyahay ilaahey ha soo hanuuniyo somaaliyeey sharafi dhimatayee aan is daba qabano walaaaalyaaaaay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

     — 
  6. xariif waaye dhaafa saas aa la rabaa moxuu sameynaahee ka xariiftan magaalada sxb hadaa soo baxdid xataa halagaa yaabo saa jaad u keentid
    hahahahahhaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

     — 
  7. waa dadka sumcadeena ku cayaarey in intaas ka badan lagu xukumo ayeey aheed bal intaa lasiiyey hoy iyo wuxuu cuno waxbarasho bilaash markaasuu ku dhiiranaya wax la mamnuucey haku jiro xabsiga weligiis

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

     — 
  8. hadii aniga laygalatali lahaa waxan ku xukumila haaa 20 år ma uga yareyen kan oo kale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

     — 
  9. bastar waaye sharka somalida ayuu gadanayaa waxuuna dona yaa markiila arko wilsomaliyeed oo babur wata inla baro oo layirah waxuu sidaa darogo waa kuwii xumaa KUJIR waligaa KU DHIMO dheh NACASKA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

     — 
  10. waxaa tahay nacas ee hacaytamin qatka hidaha iyo dhaqan ka somaalida ayuuw ka mid noqday xageena darogo kama ahan eenacas yow sas hau hadlin dabaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

     — 
  11. waa rageeda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

     — 
  12. 25 år halooga dhigo maxaa yeelay faa ido ma uu lahee wax qarin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

     — 

Somaliska.com