Dadka cusub oo cayrta laga badbaadinayo [Video]

By Jimcale
On September 7, 2012 At 09:46

Category : Shaqada & Ganacsiga, Warka

Responses : Comments are off for this post

Dadka ku jira xafiiska shaqada ee uu ka dhamaanayo waqtiga labada sano ah, ayaa laga leexin doonaa in ay galaan cayrta iyagoo lagu dari doono barnaamij lagu magacaabo (jobb- och utvecklingsgarantin) oo horay u jiray.

Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa mowduuc uu ku qoray bogga dowlada waxa uu ku sheegay in ay samayn doonaan isbedel ku saabsan barnaamijka lagu magacaabo Shaqada & Horumarinta (jobb- och utvecklingsgarantin), kaasoo fursad la siin doono dadka labada sano ee ay xafiiska shaqada ku jiraan aan shaqo ku helin.

Qofka ayaa marka uu ku biiro barnaamijkaan waxaa lacagta siin doona qasnada caymiska (Försäkringskassan). Xafiiska shaqada ayaa dadka hawlo u diri doona sida baraatiik iyo in ay tagaan shirkadaha la raadinaya shaqada (jobbcoach).

Sababta ka dambaysa arintaan ayaa ah in kamuuno badan ay cabasho ka muujiyeen in dadka cusub aysan ku filnayn labo sano in ay shaqo ku helaan. Oo marka waqtigaas dhamaado ay carabka u dhiganayaan sanduuqa cayrta. Dadka ugu horeeya ayuu waqtiga ka dhamaanayaa bisha December 2012.

Comments are closed.



Comments

  1. walaal taase hadeey sameeylahaayeen aad bey u wanaagsanaan laheet aniga ilma aha tase in ay sameynkaraan sababtoo ah aniga aya kamid ah 3 bil kahor ayaan kabaxay xafiiska shaqada arbetförmilgang lken ced i caawisa haba yarate ma helen laken hada hadeeybarnamij ay soo cusbeynensiyaan wa wa fursad cosob ayaan dhihe laha aniga

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

     — 
  2. dadka ugu horeeya dec ayay ka baxayaan adiga sidee sedex bilood ka hor oga baxadey?????????????
    go’aan ka dadka in xafiiska shaqada ay galayaan waxaa lgu dhawaaqay 2010 bishii dec

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

     — 
  3. Malaha walaalka wax baa iskaga qaldamay??? oo waxuu kalagaran waayay, Flyktingkii iyo Arbetsförmedlinka. waa flyktingka waxa dadka ilaa saxex bilood kahor kadhamaaday. ee Arbetsförmdelinka wali dadki uguhoreeyay kama dhamaan!!!!!

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

     — 
  4. Abdulkadir xisaabu xil maleh aa soo baxday Muslima iyo Yacquub meeleey farta kuugu fiiqeen ee kadoono cida lacagta kuugu dhiman 3 bilood waa beesa badan 20 000 sek kama yaro saan mudaayo Lkn jug jug mahaaga joog ma,ahoo cafiiska ceerta iyo kan AF-waa weel iyo wixiiis

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
  5. adigo mahadsan mesha aad ka so xigatay warkan linkigeda ma nago so xiri karta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
  6. bisha oktobar 2010 ka hor beey jirtay arbetmilganfor laakiin wax lacag la iskuma siin jirin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
  7. walaal jimcale waxad rabto ayad noo sheegeysa miyaa xagee ayaad ka keentay hada aad soo qortay xaa noo qaladey mar walbo adiga horta aqoontada maba garsiisana in aad u shaqeyso suxufi maxa yeelay meesha aad ka keentay maba noo sheegtid dad badan ayaa ku xiran websatkada markay raban in ay si fiican u ogadaan arimaha meel ay ka helaan malahan xaad noo wareerineesa hee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 
    • Haawo mowduuca ma aadan akhrin ayaan filayaa…waan sheegay in wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag uu ku qoray bogga dowlada. Halkaan ka Akhriso iyada oo Swedish ah.

      http://www.regeringen.se/sb/d/119/a/198427

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

       — 
  8. aniga su’aasha aan weydiinlahaa jimcaale waxa weeye arintaan ma mid la dhaqan galiyaybaa mse hada kadib ayaa la dhaqan galin rabaa mse waa wax wasiirku uu doonayo hada ka dib meel mariyo. in uu meel mariyane boqolkiiba waa intee? su’aal furan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

     — 

Somaliska.com