Dadka cayrta qaata oo fursad weyn la siin doono
By
On July 14, 2012 At 14:26
Category : Shaqada & Ganacsiga, Warka
Responses : Comments are off for this post
Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay qorshe dadka cayrta qaata lagu dhiiri galinayo in ay shaqeeyaan.
Qorshahaan ayaa ah in dadka cayrta qaata ee soo hela shaqo ku meel gaar ah la isugu daro mushaarka shaqada iyo 75% lacagtii ay cayrta ka qaadan jireen.
Qorshahaan ay dowladu soo bandhigtay oo la filayo in ay ku baxdo 200 milyan oo karoon ayaa ugu badnaan qofkii waxaa loo ogolyahay labo sano. Dadka sharcigaan cusub uu quseeyo ayaa ah dadka qaata cayrta ee ugu yaraan ku jiray 6 bilood.
Dowlada ayaa dhaqan galinta sharcigaan waxay ku soo dari doontaa miisaaniyada dowlada ee sanadka 2013 oo la soo bandhigi doono bisha soo socota. Kamuunada ayaa la ogeysiin doonaa qaabka ay u dhaqan galin karaan arintaan.
Qorshahaan ayaa u muuqda mid waxtar leh, iyadoo fursad siin doonta dadka cayrta ku dhibaateysan ee shaqo raadiska ah. Xitaa haddii aad soo hesho shaqo dhowr saac ah maalintii ayaa dowladu waxay kugu taageeri doontaa lacagtii cayrta ee aad qaadan jirtay iyadoo aysan la socon shuruudaha hada jira.

waa fikir fiican hadii wixii aad shaqeysato lagugu sii daraayo ceyrta inkastoo aanan taageersaneyn ceyrta lkn waa fikir fiican
U codee:
1
0
JIMCAALE WALAAL ARINTAN LIBILOOD IYO WIXII KABADAN MIYAA MISE WAA LIBILOOD IYO WIXII KAHOOSEEYA BAL ARINTAA SIFIICAN IIGU JILCI
U codee:
0
0
waa wax yididiilo leh wa in dadka Somaliyeed ka faidestaan qorshahan cusub dadka cayrta qata logu tala galay
U codee:
0
0
Jimcale hada dadku waxay uqaybsan yihiin 2 grupp oo kala ah dadka hoostaga laanta shaqada iyo kuwa hoostaga Socialka.
Arinta aad sheegtayna hada ayayba jirtaa oo qofkii shaqo yar loodiro haaf ayaa lasiiyaa cayrtiisii+mushaarkii yaraa marka maxaa isbadalay??
U codee:
0
0
waa arin fiican dhiirigelineeysana dadka niyadooda balse waxaa xusid mudan ma fududahey shaqo in la helaa,,waa ognahey in sweden uu yahey wadan warshadaha ay aad ugu yaryihiin.
U codee:
0
0
kirada yaa bixinaaya?
U codee:
0
0
Waa la arki doonaa waxay sheegen Meshan shaqo MA taale
U codee:
1
1
Aniga waxaa ay ilatahay dawladu way is riyoonaysaa xaqiiqadana wa ay kaleexlexnayan..Run ahaantii shaqo sida Sverige loogahela wa ay adagtahay waayo Arbetsgivare ayaaba ah cunsuri. ee mida soo gaootiga haysataa waa HUR SKA DE HITTA JOBB???? Dawlada badalkeda hadhahaan ayan odhanlahaa shaqalaidiinso helaya mushaharkeedu uukaliito midakal ama lacagta cayrta ah Arbetsgivare ha haagu raaligaliyo laakinse.. WAAYO dadakani shaqo madiidin ee dadwayana Sverige ayaa diiday inay soo galotigu shaqeeyan… fikirka Yeene
U codee:
2
1
waaaaaaaaaaw waa arin farxad ah laakiin in ay hadda nooga dhigaan ayaa fiican waayo waxaan soo heley shaqo 5saac. waxaan kaloo jimcaale weydiinayaa markuu dhaqan galo go,aankaan malaga yaabaa in anigoo kale uu saameeyo oo agousto ayaan sii shaqo bilaabayaa mise kuma jiro
U codee:
0
3
Runtii waxaan u arkaa ineysanba faaido laheen waayo wadankan shaqo ma taal ee maxa dadka caydha ku jira faaido u taraysaa hadiba haysan heleen tusaale ahaan aniga hadaan naftayda kasoo qaado wadanka 2sano ayaan jooga oo bilooyin la 40 shaqo ayaan raadsaday mid walbana wuxuu lee yahay shaqo nagama banana markaa somalidu waa shaqo doon ee wadanka ayaa shaqo oolin taasi waa hubaal balse qof waa la heli karaa aan shaqo rabin lakin umalen maayo qof inta shaqo helo diidaya waa rayigayga
U codee:
2
1
Asc dhamantiin iyo jimacaaleba sxbayaal wadanka shaqo waa taal lkn waxey u baahan tahey in aad is tusto qofka aa tahey micnaha hadii kaligaa aad shirkad tagto waxey ku weydiinayan laysan iyo waxyabo kale lkn hadii aad u tagto braktk oo ay arkaan inaad tahey qof ilaalinaya waqtiga iyo in aad bulshada aad la shaqeneyso la macaamisho waxa hubaal ah in ay kusoo raadsanayan waa hadii xataa uu kaa dhamaado braktikgii mida kale oo run ahanti niyada naga dishey ayaa aheyd hadii aad meel labo ilaa asbuuc kasoo shaqeyso in ceyrta lagaaga sii goosanayo kuwa aad u shaqeneysidna aysan ku siinayn hal mar shaqo fast ah ama joogta ah midas ayey aheyd caqabada ugu weyn aniga meelo badan aya ka braktikgeeyey run ahantiina meel walbo aan u aado braktik braktikga kadib waa ay ila soo xiriiran balse mar hadii ay ceyrta ku daba taagan tahey waxad ka baqeysaa in jadwalka kaa lumo yacni lacagtii aad soo shaqeysay oo kugu tagta iyo ceyrtii oo kaa goosata biilkii marka waa arin wanagsan mar hadii ay garteen in ay ku dhiiriyaan qofka wadanka ku cusub ileyn anagaaba ceyr u baahneen oo hadii aad ku bilowdo labo maalin waxa kugu xigta asbuuc hadane bil ilaa laba waa sii soconee marka wan soo dhaweynayaa wad mahadsan tihiin
U codee:
0
1
Assalaamu caleykum
waad wada salaaman tihiin dhammaantiin intas ka dib. Qofkii ceyr qaata ee shaqo hela wuxuu weligiisba lahaa lacag lagu kabo haddii aaneysan ku fillayn mushaarka uu qaato(försörjningsstöd)haddii shaqadu kaa dhammaatana waa inaad waqti hore soo wargeliso socialka in shaqadii kaasii dhammaaneyso aadna si caadi ah usoo dalbato ceyrtii, waxa keli ah ee lagaaga baahan yahay waa inaad si qoraal ah usoo gudbiso xaaladahaaga dhaqaale.
U codee:
0
1
Paratik cayd shaqo la aan soomali yaab goormaa
U codee:
0
1
jimcaale suaal aan jecelahay inaad iga jawaabto cayrta ayaan ka tirsanahay xafiiska shaqaduna waxay ii direen kurs aan ku qaato lacagtan lagu magacaabo activitatstöd markaas taaba shaqa ahaan ayaa loo bixiya lakiin xafiska markaa laga yaaba cartuna isiiso waxy igu talo gashay tana gaar igu soo dhacdo bal su aasha iga soo jawaab aadna waan kuu salaamaya sxb
U codee:
0
1
ASC. waa arrin fiican oo waxtar leh waayo dadkeena soomaalida ah ee caydha ku jiro qofkii shaqeysan lahaa xataa wuxuu leeyahay maxay shaqo ii tareysaa kolley ceyrtaa iga jaraneysee balse hadii laysugu keen daraayo BIDRAG IYO LÖN waa ok.
U codee:
0
1
asc walaalayaal waxa aan jeclay in aan idiin sheego mid idinka maqan oo ah in dadka qurba tagay way noqdeen xaraan nijaas lagu dalacay waayo waxa ay qaataan lagata lagaa soo qaado naagah jirkooda ka ganacsada iyo meelaha muqaadaraadka markaa hal xaaraani nirig xaalaa ma dhasho…………,
U codee:
0
1
asc waa arin fiican haday hagaabo oo ay kadhabeeyaan kamuunada
U codee:
0
0
ASC DHAMAANTTIN taasi waxaan u arkaa adeer gabartada isii Gus aan ku wasone iigu dar
taasi waxaan ulajedaa 2labada lacagood jimcaale mahad sanid ogow shaqo majirto
U codee:
0
2
cuudubilaah af xumaa ninku ma maah maah kaluu waayay
U codee:
1
1
waa salaamamtihiin dhamaan ,waxaan la yaabay oo aan la fajacay soomaalideena walaahi afka hadey kala furaan waxey ku leeyihiin wadankaan shaqo malahan , horta maxaa ka horeeyo shaqada ma lees weediyay shaqada codsi la qortaa ayaa ka horeeso interview la galo ayaa ka horeeyo intiiba ma heysaan luqad aad warqad ku qorataan ma taqaanaan interview aad gashaan iskaba daa , marka isku xishooda oo luqada barta sida shaqada loo cosado barta ka dib hadla shaqo ey buuxdaa ,,, yaahu ceyr jeclaa somalida . ma gudbayaal ayaa tihiin SFI ayaa dhexfadhisiin ayaad waxaad leedihiin shaqo malahan ,
U codee:
0
2
asc walalo waan idin slaamay dhamaan gaar ahaan dadihiyaasha webkan wallao jimcale waxan rabaa inaan ogaado dadka caruurta isu lahayn waxad ka ogtahay qorshoodii
U codee:
1
1
sweden maba jirto waxa shaqo ah ee ma dadkay walayaan waxay yaqaanana cayr oo kaliya sida dadaka loo siiyo waxa isbadalna ka ma soo socdo sweden
U codee:
1
0
sweden maba jirto waxa shaqo ah ee ma dadkay walayaan waxay yaqaanana cayr oo kaliya sida dadaka loo siiyo waxa isbadalna ka ma soo socdo sweden
U codee:
1
0
war wadanka shaqo way taalaaye horta wax baro adoo jaahil ah baad rabtaa inaad shaqayso dadka wax bartay way shaqeeyaane niyada dadka hakadilin
U codee:
0
1
wadanka shaqo waa taalaaye niyada dadka ha ka dilinilina mashaqaysta yaal baad tihiine anagoo wadanka laba sano joognaba shaqo waan helnee dadaala waxna barta
U codee:
0
1