Home Wararka Maanta Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo shil ku galay Wadada E4..

Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven oo shil ku galay Wadada E4..

0

Raisal wasaaraha Dalka Sweden Stefan Löfven ayaa shil ku galay wadada E4 isagoo ku sii socda Magaalada Upsalla oo khudbad ka jeedin lahaa.

sida uu ku waramayo Swedish Radio’s P4 Stockholm gaariga Raisaal wasaaraha ayaa ka baxay wadada E4 waxana uu ku dhacay biraha loo sameeyay wadada ee loogu tala galay in ay gawarida soo celiyaan.

Sida ay u dhacday dhibaatada ayuu uga waramey joornalka Aftonpladet isagoo sheegay in dhibaato weyn aysan dhicin.

” Wax dhibaato weyn ma dhicin waxa uu ahaa shil yar lakin waxaa u sheegi kartaa dadka in ay iska ilaaliyiin fogaanta jidka” Stefan Löfven ayaa u sheegay Aftonplodet.

bilowgii shalay waxaa wadada E4 ka dhacay dhoor shil halkaasi oo ku dhaawacmeen 3 ruux iyadoo qasaaro soo gaartay gawaari badan.

ugu danbeyn Stefan Löften ayaa ku wajahnaa magaalada Uppsala halkaasi uu ka jeedin lahaa qudbad la xiriirta ahmiyada uu xisbigiisa siinayo daryeelka Caafimaadka hadii la doorto.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here