Home Wararka Maanta Faafaahin Maxkamadeynta Rakhmat Akilov oo toos uga furmatay Magaalada Stockholm

Faafaahin Maxkamadeynta Rakhmat Akilov oo toos uga furmatay Magaalada Stockholm

0

Saaka ayaa maxkamadda magaalada Stockholm laga bilaabay dacwadii lagu waday Rakhmat Akilov oo lagu tuhunsanyahay in uu ka dambeeyay falkii argagxiso ee magaalada Stockholm ka dhacay bishii abriil sannadkii hore.

Halkaas ayey shan qof ku dhinteen dhowr iyo toban na ku dhaawacmeen. Dacwada maanta laga bilaabay maxkamadda Stockholm ayaa socon doona saddexda bilood ee fooda na igu hayya.

9:15 saaka ayaa maxkamada albaabada loo furay si uu xeer ilaaliyaha kiiskan Hans Ihrman u sharaxo tuhunka lagu hayo Rakhmat Akilov. Sido kale ayey dadkii qarabada u ahaa kuwii dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ku suganyihiin qolal ka baxsan meesha Akilov lagu wareeysanayo.

Xeer ilaaliye Hans Ihrman ayaa hore u sheegay in goolkiisu yahay in ninkan lagu xukumo dembi fal argagaxiso ah. Hasayeeshe ayaa loo baahan yahay in la caddeeyo in Rakhmat Akilov markii uu falka gelayey rabay in uu baqdin iyo welwel ku abuuro dadyoowga Iswiidhan ku nool. 

Hans Ihrman ayaa caddeeyay in Akilov 209 jeer dad kala xidhiidhay aaladaha Whatsapp, Telegram, Facebook, Viber, Google+ Wall iyo Zello. 16 ka mid ah farriimaha uu Akilov ka diray teleefankiisa ayuu xeer ilaaliyahu filaya in ay xidhiidh la leeyehiin falka argagaxisada ah. 

Argagaxiye Rakhmat Akilov oo u dhashay dalka Uzbekistaan ayaa qirtay in uu falkan ka dambeeyay.

Source radio sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here