Home Wararka Maanta Sweden oo dib u dajin u sameesay 3,000 kun qaxooti ka yimid...

Sweden oo dib u dajin u sameesay 3,000 kun qaxooti ka yimid dalalka Greece iyo italy..

0

sida ay ku warameyso wakaalada Socdaalka Dalka Sweden ee migrationsverket ayaa shaacisay in ay dib u dajin u sameesay ilaa 3,000 kun oo qaxooti ah kuwasi oo ka yimid wadamada Greece iyo italy.

Louise Weber oo u hadlay dhanka wakaaalada Socdaalka ee Sweden ayaa sheegay in sweden ay dhameestirtay go.anka ay gaareen wadamada Yurub sanadkii 2015 kaasi oo ahaa in la qaabilo qaxootiga ka imaanaya wadada Gariiga iyo italy.

Madaxa hawlaha shaqada ee migrationsverket ayaa intaasi ku daray in dadka halkaan yimid ay gaaraan ilaa 3,045 kun isla markana ku faraxsanyihiin imaatinkooda.

” waxaan u sameenay dib u dajin dadkaan ka yimid wadamada Gariiga iyo italy waxayna badankooda yimaadeen lixdii bilood ee u danbeesay” Louise Weber ayaa u sheegay warbaahinta.

bishii Semtemper ee sanadkii 2015 ayaa wadamada yurub isku raaceen heshiis dhigaya in la qaabilo qaxootiga ka imaanaya wadamada Gariiga iyo italy waxana ilaa xiligaasi la qaabilay 33 702 kun oo qaxooti ah.

Somaliska Stokcholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here