Shilimaadkaan isticmaalkeeda bisha Juun ayaa u dambaysa

0

Dhamaadka bishaan Juun ayaa u dambaysa isticmaalka shilimaadka hore ee 1- karoon iyo 5- karoon. Ugu dambeyn 30-jun ayaa lacagaha hore ee qiimahooda yahay 1 iyo 5 karoon isticmaalkooda la joojin doonaa.

31 Ogosto 2017: maalinta ugu danbeysa ee lacagta qadaadiicda/sunuuda lagu shubi karo bangi.

“Waxaan ugu baaqaynaa shacabka in ay lacagtii hore dukaamada wax uga iibsadaan ama ay bankiga ku shubtaan ugu dambeyn 30-bisha juun. “ ayay tiri Ann-Leena Mikiver oo ah afhayeenka Bankiga dhexe.

Dadka aan isticmaalin lacagtii hore ee dhacaysa 30-bisha Juun ka dib ayaysan dukaamada wax uga iibsan karin balse waxay ku shuban karaan koontada.

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan lacagaha cusub halkaan ka akhriso [PDF]

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here