Soomaalida Iswiidhan oo markii ugu horeeysay yeeshay duuliye diyaaradeed

1

Magaciisu waa Yoonis Maxamed Cumar Wardheere. Waxaa uu ka mid yahay dhalinyaradda soomaaliyeed ee ku dhashay magaaladda Göteborg ee caasimadda labaad Iswiidhan islamarkaasina ku bar baartay, kagana  baxay  dugsiga sare iyo kuliyadda ciidamadda cirkaga.

Haatan waa duuliye ka mid ah duuliyeyaasha dalka ee duuliyadaha diyaaradaha caalamiga ah, wuxuuna ka howlgala diyaaradaha iskaga kala gooshta  dalalka Holland iyo Ingiriiska. Waana soomaaligii ugu horeeyey ee abid duuliye diyaaradeed ka noqda dalkaan. Ugu dambeyntiina inkastoo soomaalida Iswiidhan lugu tiriyo qowmiyadda keliya ee aan horumar muuqan ka sameeyn dhinacyada shaqada, waxbarashadda iyo is dhexgalka dalka marka loo eeggo qoowmiyadaha shisheeye ee xilliyada kala duwan yimid. Saxaafadda Iswiidhana waxaa ay in muddo ah buun buunin jirtay ilaa iminkana ay siyaalo kala duwan u qorta dib u dhaca soomaalida. Saas oo ay tahayna  waxaa mudooyinkii igu dambeeyey la arkayey is badal weyn oo ay soomaalidu ku taloowsaday dhinac kasta misna  aan weli la bar bar dhigi karin qoowmiyadaha kale ee dalkaan la jaan qaaday.

Somaliska.com
Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here