DAAWO: Telefishinka SVT oo ka qeyb-qaatay daan-daansiga lagu hayo Muslimiinta Sweden

10

Isbuucaan waxaa telefishinka qaranka Sweden SVT lagu soo bandhigay warbixin laga sameeyay waxa loogu yeero Xag-jiraynta Xaafadaha soo galootiga taasoo ay baaritaan ku sameeyeen in dhalinyarada Muslimiinta ah ee ku nool xaafadaha Rinkeby, Tensta iyo Husby oo ka tirsan Stockholm ay noqdeen kuwo diinta ku dhagan oo xagjir ah.

Waxay wareysi la yeesheen dhowr qof oo Soomaali ah kuwaasoo sheegay in dhalinyarada lagu xagjireeyo masaajida. Raggaas ayaa waxaa ka mid ahaa aabe gabadhiisa ay u safartay wadanka Syria ka dib markii uu sheegay in lagu tashkiiliyay mid ka mid ah masaajida Stockholm.

Balse telefishinka ayaa arinta meel xun gaarsiiyay ka dib markii ay soo kaxeysteen haweeneyda lagu magacaabo Mona Walter oo ah Soomaali qaadatay diinta Kiristaanka isla markaana caado ka dhigatay aflagaadada diinta Islaamka iyo ceebaynta Soomaalida ku nool Sweden. Waxay si daan-daansi ah ula doonteen haweenaydaan in ay la hadasho dhalinyarada shaqo la’aanta ah ee ku nool Rinkeby iyadoo durbadiiba ay xaaladu xirka isku shareertay.

Sababta uu telefishinka qaranka Sweden u isticmaalayo haweenaydaan oo la wada ogyahay in ay tahay mid Islaamka iyo Muslimiinta neceb ayaa ah mid lala yaabo isla markaana hoos u dhigaysa sumcada SVT.

Inkastoo ay wax ka jiraan in dhalinyarada qaarkood lagu xagjireeyay xaafadahaas isla markaana qaar badan ay u safreen wadamada Syria iyo Iraq ayaa taasi ay tahay mid ay wada ogyihiin Muslimiinta ku nool xaafadahaas isla markaana ay yihiin kuwo ka walwalsan oo u taagan sidii ay dhalinyarada u fahansiin lahaayeen diinteena saxda ah.

Balse in telefishinka SVT uu buunbuuniyo calaamadaynta dhamaan Muslimiinta ku nool xaafadahaas in ay yihiin kuwo xagjiriin ah isla markaana ay soo kaxaystaan haweenay iyada lafteedu xagjir ah oo la wada ogyahay in ay doonayso in ay ku soo caan-baxdo aflagaadada Muslimiinta ayaa ah mid aan la aqbali karin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here