Booliska oo loo furayo faraha magangalyo doonka iyo dadka visada ku soo galay Sweden

7

Ka bilaabata 20 bisha July ee sanadkaan ayaa guud ahaan booliska Midowga Yurub waxaa loo furayaa in ay baaritaan ku sameeyaan faraha laga qaaday magangalyo doonka iyo dadka visada ka dalbaday wadamada Yurub. Faraha oo horay ay u isticmaali jireen Hay’adaha socdaalka sida Migrationsverket ayaa hada booliska loo fasaxayaa in ay isticmaalaan haddii ay baaritaan ku samaynayo arimo la xiriira dambiyada sida argagixasada sida ay shaacisay EKOT.

Isbedalkaan ayaa imaanaya ka dib go’aan ka soo baxay midowga Yurub. Dadka qaar ayaa walwal ka qaba in haddii booliska loo fasaxo baaritaanka faraha in meel looga dhaco xuquuqda dadka magan galyo doonka ah balse Booliska ayaa cadeeyay in ay arintaan u isticmaali doonaan arimaha la xiriira baaritaanada dambiyada oo keliya. Kaydka faraha oo loo yaqaan Eurodac ayaa waxaa ku jira ilaa 400 000 qof farahooda, kuwaasoo la keydinayo ilaa 10 sano. Booliska ayaa sidoo kale loo fasaxayaa in ay baaritaan ku sameeyaan faraha laga qaaday dhamaan dadka ka soo jeeda wadamada ka baxsan EU-da ee visada ka dalbaday wadamada EU. Dadkaas ayaa waxaa ku jira xitaa kuwa lagu keenay qaraabada ee lala mideeyay familkooda.

Booliska ayaa hadaba heli doona aalado cusub oo ay baaritaanada ku sameeyaan si degdeg ah guud ahaan 28 wadan ka ee ka tirsan EU-da balse dadka faraha laga qaaday ayay walwal ku abuuri doontaa in farahooda boolisku ay akhrisan doonaan oo isticmaali doonaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here