Video: Masaajidka Flen oo la wareeraray

1

Isbuucii la soo dhaafay waa markale weerar loo geystay masaajidka Alhouda ee ku yaala magaalada Flen. Albaabada masaajidka ayaa la qurbaday. Illaa iyo hadda lama garanayo cidii kadanbaysay dhibaatadaa. Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada ka jira waddankaan Sweden iyo dad badan oo shacab ah ayaa muujiyey sida ay ugu soo horjeedaan dadka dhibaatada wada ee neceb muslimiinta. Dadkii masjidka yimid ayaa muujiyey jaceylka ay u qabaan dadka muslimiinta ah waxayna albaabkii muraayada ahaa ee la jabjabiyey ku xardheen warqado aad u qurux badan.

Masaajidka Al-houda ayaa horay u ahaan jiray goob kaniisad ah, iyadoo Muslimiinta ay iibsadeen sanadkii 2011 ka dibna ay u badaleen masaajid. Ma ahan markii ugu horeysay ee la weeraro Masaajidka.

Daawo Video:

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here