“Soomaalida darteed ayaan doonayaa in aan isku dilo”

12

Sidaas waxaa qoray nin Swedish ah oo cabasho ka muujiyay Soomaalida. Ninkaan oo cunsuriyada iyo naceybka uu u qabo Soomaalida soo bandhigay ayaa fariintiisa ku qoray bogga lagu sheekaysto ee Flashback, isagoo sheegay in uu qarka u saaranyahay in uu nafta iska qaado Soomaalida darteed.

Ninkaan ayaa sheegay in uu shaqo la’aanyahay isagoo isbuucii dhowr jeer taga xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen).  Waxa uu sheegay in marka uu xafiiska shaqada tago uu kula kulmo Soomaali faro badan oo iyagana shaqo raadis ah, kuwaasoo uu aad u dhibsaday.

Waxa uu intaas ku daray in uu deganyahay xaafad ay ka buuxaan dadka madoow iyo Soomaalida oo uu sheegay in uu cabsi joogta ah ka qabo Soomaalida. Ninkaan ayaa sheegay in uu xitaa cabsi darteed iska daayay adeega dukaamada, isagoo saaxiibtiis u dira in ay soo  adeegto. “marka aan dibada aadayo middi ayaan qaataa” ayuu yiri.

Doqonimada ninkaan ayaa laga dheehan karaa hadalkiisa, isagoo ugu horeyn ka cabanaya dadka isaga ay isku doonta saaranyihiin oo shaqo la’aan ah. Tan labaad erayada uu isticmaalayo ayaa laga dheehan karaa in uu yahay cunsuri uu naceybka ku qurmay.

Laakiin arinta xasaasiga ayaa ah jawaabaha uu ka helay akhristayaasha fariintiisa, iyadoo qaar badan ay ugu jawaabeen in ay la qabaan hadalkiisa. Qaar ayaa xitaa kula taliyay in uu xasuuqo Soomaalida oo wadankiisa u dhinto.

Inkastoo goobta lagu qoray fariintaan ay tahay goob caan ku ah fariimaha nuucaan ah iyo cunsuriyada, ayaa hadana hadalka ninkaan uu yahay mid ka turjumaya sida ay Swedish badan u arkaan Soomaalida Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here