Shaqo la’aanta oo hoos u dhacday

10

Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa sheegay in tirada dadka shaqo la’aanta ah ay hoos u dhacday sanadkaan. Tiradada dadka shaqo doonka ah ee ka diiwaan gashan xafiiska ayaa hada ah 404,000 qof taasoo u dhiganta 8.5% shacabka wadanka.

Dhalinyarada ayaa shaqo la’aanta ugu badan haysataa iyadoo dadka da’dooda u dhaxayso 18-24 ay shaqo la’aan badan haysato. Xafiisyada kala duwan ee Arbetsförmedlingen ayaa soo bandhigay in bilihii la soo dhaafay ay kor u kacday tirada shirkadaha raadinaya shaqaalaha. Arintaas ayaa lagu tilmaamay mid ifafaalo fiican u ah dhaqaalaha Sweden.

Shaqada ayaa waxay ka midtahay mowduucyada ugu kulul ee sanadkaan looga doodayo doorashada dhici doonta bisha September. Qaasatan shaqo la’aanta dhalinyarada ayaa ah mid si gooni ah isha loogu hayo. Dadka soo galootiga ah ayaa iyagu ah kuwa ugu badan ee shaqo la’aantu haysato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here