Kaniisada Sweden oo hogaamiye u dooratay haweenay

2

Kaniisada Sweden (Svenska Kyrkan) ayaa baadari u dooratay haweenaydii ugu horeysay. Haweenaydaan loo doortay in ay Antje-Jackelénhogaamiso kaniisada ugu weyn Sweden ayaa lagu magacaabaa Antje Jackelén iyadoo lagu tilmaamo qof dhexdhexaad ah oo ah waxa loo yaqaan liberal.

Haweenaydaan ayaa shaacisay in ay doonayso in ay wada shaqayn la yeelato dadka dimaha kale qaasatan Muslimiinta. Waxay sidoo kale qiratay in kaniisada Svenska Kyrkan ay dadku ka sii baxayaan taasna aysan dabaqabasho lahayn balse ay tahay xaqiiqada ka jirta Sweden oo ah dadkii oo isbadalay iyo waayeelnimada. Balse waxay amaantay in Sweden ay noqotay wadan diimo badan ka jiraan taasina ay u aragno arin wanaagsan.

Doorashada haweenaydaan ayaa waxaa cambaareeyay qaar kamid ah Kiristaanka ku nool Sweden iyadoo laga cabsi qabo in ay abuurto kala qeybsami soo kala dhexgasha kaniisada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here