Xisbiga bidixda oo mooshin hordhigay baarlamaanka

35

Xisbiga Bidixda (Vänsterpartiet) ayaa mooshin cusub hordhigay baarlamaanka Sweden. Mooshinka ayaa ku saabsan in wax laga badalo siyaasada ku aadan mideynta qoysaska.

Mooshinka oo ay si wada jir ah u soo diyaareen 6 xubnood oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka ugu jira xisbiga Vänsterpartiet ayay ku dalbadeen in wax laga badalo xaalada midaynta qoysaska, iyagoo sheegay in go’aankii maxkamada ee lagu go’aamiyay in DNA laga qaado dadka uusan ku filnayn baahida jirta.

Mooshinka ayaa lagu faahfaahiyay xaaladu siday ku bilaabatay iyo halka ay hada marayso. Xubnaha mooshinka soo qoray ayaa cadeeyay in dowladu ay arinta daah iska saartay oo dadka caruurta ay dhaleen keliya loo keenayo balse laga tagay dad badan oo ay ku jiraan kuwa caruurta aan lahayn, caruurta la soo korsaday, kuwa 18 sano gaaray. Xitaa waxay sheegeen in dadka caruurta leh xitaa qaarkood go’aamo kala duwan laga gaaray oo maxkamadaha socdaalku aysan arinta isku mid ka ahayn.

Mooshinka ayay ku dalbadeen in baarlamaanku sameeyo isbedel guud oo quseeya dhamaan arimahaan, waxay kale oo intaas ku dareen dalab ku aadan in dadka aan ahayn Geneva laga bixiyo lacagta tikirka. Sida hada xaaladu tahay ayaa Laanta Socdaalka waxay lacagta tikitka ka bixinaysaa dadka Geneva haysta oo keliya.

Mooshinka ayaa baarlamaanka loo gudbiyay 20 September iyadoo aan wali la shaacin xiliga laga doodi doono arintaan. Xisbiga Vänsterpartiet ayaa waxa uu ka midyahay xisbiyada aadka ugu dooda arimaha soo galootiga balse nasiib daro waxa uu ka midyahay xisbiyada ugu codka yar Baarlamaanka, isla markaana aan ku jirin xulufada hogaamisa dowlada Sweden.

Sidaa darteed ayay macquul tahay in mooshinkaan uu ku dhamaado diidmo. Ma ahan markii ugu horaysay ee mooshin nuucaan ah ay xisbiga Vänsterpatiet soo hordhigaan baarlamaanka, balse kuwii hore waa laga adkaaday.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here