Barnaamijka Hello Somaliska – 12-02-2012

10

Caawa waa markale iyo barnaamijkeenii cusbaa ee Hello Somaliska. Barnaamijka waxaan caawa uga hadli doonaa mowduuc la xiriira tahriibka iyo qarashka aan u soo galnay Sweden iyo xaqiiqada aan kala kulanay halkaan.

Dadka qaar ayaa 20$ kun ku soo bixiyay imaashaha Sweden halka qaarna ay bada soo gooyeen iyaga oo nafsadooda halis galiyay. In badan oo naga mid ah ayaysan Soomaaliya ku haysan khatar nafsadeed marka laga reebo raadis nolol wanaagsan. Hadaba mowduuceena maanta waxa uu ku saabsan yahay Sweden ma u qalantay safarka loo soo maray iyo qarashka lagu bixiyay? Maka heshay halkaan riyadii aad raadinaysay?

Fadlan waxaa muhiim ah in qofka na soo wacaya uusan ka bixin qodobka DOODA. Waxaad kaga qeyb qaadan kartaa barnaamijka telefoonka 0734799039 (lyca) – Saacadu waa kl. 18:00.

Cilad: Waan ka xunahay in maanta cilad xaga signalka ah ku timid telefoonkii barnaamijka looga qaybqaadanaayay. Sidaa darteed ayaysan u suurto galin dad badan in ay na soo wacaan.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here