Xisbiga dhexe (Centerpartiet) oo hogaan cusub doortay

2

Xisbiga dhexe ee ka tirsan xulufada maamusha Sweden ayaa doortay hogaan cusub ka dib markii ay iscasishay haweeneydii hogaamin jirtay ee ah wasiirka ganacsiga Maud Olofsson. Xisbiga Centerpartiet ayaa u doortay hogaanka xisbiga in ay noqoto haweeney lagu magacaabo Annie Lööf oo 28 sano jir ah.

Annie ayaa noqoneysa qofkii ugu da’da yaraa ee hogaamiya xisbigaas. Waxay kale oo noqon doonta wasiirka ugu da’da yar golaha wasiirada Sweden balse wax waayo aragnimo siyaasadeed ma leh gabadhaan.

Balse gabadhaan ayaa waxay taageero weyn ku leedahay xubnaha xisbiga iyada oo sheegtay in ay xisbiga ku celin doonto bilowgiisii.

Xisbiga Centerpartiet ayaa ah xisbi ay siyaasadiisa tahay bartamaha oo taageersan soo galootiga. Waxaa la aasaasay sanadkii 1913 iyaga oo xiligaas lagu magacaabi jiray Bondeförbundet ama midowga beeraleyda. Xisbiga ayaa magaciisa badalay 1957. Waxaa golaha baarlaanka (Riksdagen) ugu jira 23 xildhibaan oo u dhiganta 6.56%.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here