Xisbiga KD oo ahmiyada siinaya mideynta reeraha Somalida

30

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa muhiimada ugu weyn siinaya sidii loo mideynta lahaa reeraha Soomaalida. Emma Henriksson oo u qaabilsan xisbiga arimaha Socdaalka ayaa sheegtay in markii ay timaado arimaha Socdaalka ay mideynta reeraha Soomaalida tahay ahmiyada ugu sareysa oo ay wadahal kula jiraan cidkasta oo ay quseyso. Sida Laanta Socdaalka iyo xisbiyada kale ee ku jira xulufada dowlada.

Emma ayaa intaas ku dartay in ay jeclaan lahayd in ay balan qaado xal degdeg ah balse aysan taas sameyn karin.

Xisbiga KristDemokraterna ayaa ka mid ah xulufada ku midowday dowlada, iyagoo dhowr jeer oo hore ku celceliyay muhiimada ay leedahay mideynta reeraha. Maadaama lagu jiro xiliyadii fasaxa ayaysan u badneyn in beryahaan uu war la taaban karo ka soo baxo arimahaan, ilaa la gaaro xiliga dayrta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here