Qoob ka ciyaar & Quraanka

4

Isbuucii la soo dhaafay ayaa waxaa dood ka dhalatay bandhig qoob ka ciyaar lagu qaban lahaa Kulturhuset ee Stockholm ka dib markii koox ka mid ah kuwa ka qeyb galayay bandhiga ay qorsheeyeen in ay qoob ka ciyaar iyo heeso ku sameeyaan aayado Quraanka ka mid ah. Arintaan markay soo baxday ayaa dood culus waxay ka dhalay bogga Kulturhuset ee Facebook taasoo keentay in guud ahaan la joojiyo qorshihii bandhiga.

Qoob ka ciyaarkaan oo loogu magacdaray “Celebration of womenhood” ayaan la garaneyn sababta loogu soo daray Quraanka. Muslimiin badan oo ku xiran Facebook ayaa codsaday in aan lagu heesin Quraanka iyadoo Kulturhuset ay go’aan sadeen in ay guud ahaan joojiyaan mashruucoodii ciyaaraha.

Sida ay qoreen websiteyada cunsuriyiinta wiil Soomaali ah ayaa bilaabay dooda ka dhalay Facebook isagoo ku dooday in ay xushmad daro tahay in Quraanka lagu heeso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here