Nolosha qurbaha sidee looga bixi karaa?

5

Waxaa jira dad soomali ah oo aad u tiro badan oo badanaaba kala gedisan xaga deganaanshaha wadanka qaar ayaa waxay degan yihiin hadaan ka hadalno Swedan mudo 20 sano ka badan oo aan wax qabsan, qaar ayaa waxay degan yihiin hal sano oo la yaaban nolosha qurbaha ee ay ugu horeyso, taas ayaa waxaa loo baahan yahay in la sameeyo barnaamij u gaar ah soomalida oo looga gudbi karo dhibta iyo laqabsi la aanta qurbaha.

Hadaan muhiimada ka hadalno waxaa la yiri awka hore saanqaadkiisa ayuu ka dambena yeeshaa maantana Soomalida Swedan ku nool aad ayey u badan tahay waxaana looga baahnaa inay wadankan wax ka qabsadaan oo ay ka dhex muuqdaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, ka muuqdaan sida waxbarashada, shaqada taas oo ay aad ugu liitaan. Waxaan aad ugu farxi lahaa inaan arko soomali ka dhex muuqata bulshada Swedan horumarkuna waa mid uu qofkastaa isgaadhsiin karo marka loo eego ajaanibta Swedan degan waxaa boqolkiiba boqol ka fahan fiican Soomalida, taas waxaa loo aanaynayaa qofkastaa sida uu iska dhigo.

Yurub laba wado ayey leedahay tan kowaad waa wadada saxda ah ee lagaga baahan yahay inaad raacdo shaqo raadsato, nolosha la qabsato, luuqada barato iska dhigto qof wax kasta lugihiisa ku raadsada. Tan labaad waa dadka ka leexda wadadaas oo fiiriya keliya balwada iyo wixii xun oo dhan. Haddii qofku wadada toosan raaco waxaan aaminsanahay inuu wax badan qabsan karo taakulayn karana walaalihiisa Soomaliyeed ee kale, ku xisaabtan marksta inaad adigu wax isbarto waxaad tagtaa iskuul sfi, laakiin ogoow inaad noqoto qof wax akhriya oo aan buuga tuurin dadaal ayaa lagaaga baahan yahay qof kasta hadii aad dadaashid waad guulaysan kartaa.

Nolosha qurbahana waxaa lagaga bixi karaa adoo sharciga wadanka u hogaansama qabsadana talaabada aad jeceshahay inaad mustaqbal ku gaartid qof kasta aad tiraahdo iga caawi waxaan rabaa inaan horumar gaadhee diyaar ayaa laguu yahay gaar ahaan wadanka Swedan ee aan ku nool nahay waxaa aad loo jecel yahay qofka doonaaya inuu horumar ka gaadho noloshiisa ee adigu dib haysu dhigin la jaan qaad nolosha qurbaha ka fagoow hadaad doonaysid mustaqbal wanaagsan balwedaha kala gedisan ee noloshaada dib u dhigaaya.

Waxaa qoray Abdi Samed

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here