Home Wararka Caalamka Xuutiyiinta oo maraakiib kale ku weeraray Badda Cas

Xuutiyiinta oo maraakiib kale ku weeraray Badda Cas

0
(Russian Defense Ministry Press Service via AP) TT

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay gantaallo ku garaaceen labo markab oo marayay badda cas, iyadoo sida muuqata aysan ka niyad jabin duqeymaha Mareykanka iyo Ingiriisku ay ku hayaan kooxda.

Hogaamiyaha kooxda Cabdul Maalik al-Xuuti ayaa ka digay in kooxdiisu ay kasii dari doonto hadii uu dhamaan waayo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ee Qasa.

Xuutiyiinta ayaa beegsaday maraakiibta Star Nasia iyo Morning Tide.

Markabkan oo lagu magacaabo Star Nasia oo laga leeyahay dalka Giriiga ayaa waxyeelo soo gaartay balse shaqaalihiisii ayaan wax dhaawac ah soo gaarin, sida uu sarkaal Giriig ah u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Furadino Shipping Ltd, oo ah mulkiilaha British-ka ah ee Morning Tide, ayaa sheegay in markabka agtiisa uu ka dhacay qarax, balse uusan waxba gaarin, cidna aysan wax ku noqon, markabkana ay u suurtagashay in uu sii socdo.

Weeraradii ugu dambeeyay ee kooxdan ayaa yimid kadib markii mowjado duqeymo ah ay fuliyeen Mareykanka iyo UK maalmihii lasoo dhaafay, oo uu ku jiro weerar Isniintii lasoo dhaafay uu taliska dhexe ee Mareykanka uu sheegay in lagu garaacay labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here