Shabakadda CBS, ee Mareykanka ayaa soo bandhigtay xog aruurin ay ku sameysay, dhallinyarada, madowga iyo haweenka Mareykanka cidda ay codkooda siinayaan Trump iyo Kamala Harris;
Haweenka Mareykanka;
- Kamala Harris 52%
- Trump 47%
Dadka madow ee Mareykanka;
- Kamala Harris 76%
- Trump 21%
Codbixiyayaasha da’doodu u dhaxayso 18-29 sanno;
- Kamala Harris 62%
- Trump 37%
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa dhankeeda
soo bandhigtay xog aruurin guud oo ay ka soo qabatay cod bixiyaasha Mareykanka;
- Kamala Harris 44%
- Trump 42%
Ra’yi ururintu maaha inay ka tarjumayso codka rasmiga ah, kaliya tani waxay fursad u siisa ololayaasha inay ku soo jiifaan taageerrayaasha , marka ay warbaahinta ka arkayaan inay ku horreeyaan ra’yi aruurinta dadweynaha. Waxaa kalo ay musharrixiina ka arkaan meelaha ay ku wanaagsanyihiin iyo halka ay tahay inay dib u toosiyaan , si ay natiijo dhab ah oo guul ah u gaaraan.