Xaalad adag ayaa ka jirta Dalka Ukraine halkaasi uu Ruushka ku qaaday dagaal xoogan isla markana ah midkii ugu weynaa ee soo mara Yurub Qarnigan.
Dagaalkaasi ayaa keenay in Qaxooti badan halkaasi kasoo cararaan iskanana soo dhiibaan Dalalka kale ee Yurub.
Wadamo badan ayaa ku dhawaaqay inay soo dhaweenayaan Qaxootiga Ukraine halka kuwa kale ay sheegeen inay kasoo qaadayaan Xadka Poland.
Sweden ayaa kamid ah Dalalka arintaasi ku dhawaaqay lakin Xisbiga SD ee ku caan-baxay Ajaanib naceynka ayaa markii hore soo jeediyay in Dadka Qaxaya lagu Caawiyo Halka ay joogaan.
Xisbiga ayaa hada badalay Fakarkiisa waxana uu soo dhaweeyay in Qaxootiga Ukraine ay yimaadaan Dalka laguna soo dhaweeyo.
Qaxootiga ugu badnaa ayaa kasoo barakacaya Dhanka Ukraine waxana muuqata in wali dagaalka uu ku sii fidayo goobo kamid ah dalka.