STOCKHOLM – Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee dalka Iswiidhan, ee Social Democrats (S), ayaa ku gacan sayray soo-jeedin baarlamaani ah oo looga gol-leeyahay in lagu joojiyo tarxiilka dhalinyarada ku soo barbaaray Iswiidhan balse wajaha in dalka laga saaro marka ay gaaraan 18 sano.
Isbahaysiga Midig-dhexe iyo Bidixda oo isku raacay hindisaha
Soo-jeedintan oo ay markii hore keeneen xisbiyada Bidixda (V) iyo Deegaanka (MP), ayaa markii dambe waxaa ku soo biiray xisbiga Center-ka (C). Hindisahan ayaa dalbanaya in wax ka badal lagu sameeyo sharciga socdaalka, si dhalinyarada ilaa 21 sano jirka ah loo siiyo deganaansho iyadoo loo eegayo xiriirka qoyska.
Sidoo kale, xisbiyadan ayaa doonayay in dib loo soo celiyo qodobkii sharciga ahaa ee “Xaaladaha Bini’aadantinimo ee Gaarka ah”, kaas oo dowladda hadda jirta ee ay taageerayaan xisbiga SD ay meesha ka saareen sanadkii 2023.
Maxay tahay sababta ay u diideen Social Democrats?
Afhayeenka dhanka socdaalka ee xisbiga S, Ida Karkiainen, ayaa waraysi ay siisay wargeyska Dagens ETC ku sheegtay in Iswiidhan ay u baahan tahay “siyaasad socdaal oo adag” si loo xaliyo caqabadaha is-dhexgalka ee ka jira dalka.
Waxay ku dooday in nidaamka iyo kala dambeynta socdaalka ay fure u yihiin guusha dadka dalka ku cusub, aysanna diyaar u ahayn inay taageeraan hindisaha xisbiyada kale, inkastoo ay sheegtay inay u furanyihiin wada-hadal haddii dowladda ay keento soo-jeedin kooban oo ka reebis ah (exemptions).
Cunqabatayn iyo Dhaleecayn
Go’aanka xisbiga S ayaa dhaliyay caro xoogan. Afhayeenka xisbiga Center-ka, Niels Paarup-Petersen, ayaa sheegtay inay fursad u haysteen inay badbaadiyaan dhalinyaro badan oo Iswiidhan u haysta dalkooda hooyo balse hadda halis ugu jira in loo masaafuriyo dalal aysan aqoon u lahayn.
Maxay ka dhigan tahay arrintan?
Haddii xisbiga S uu sii joogteeyo diidmadiisa, waxaa yaraanaya fursadaha uu ku guuleysan karo hindisahan, maadaama xisbiyada dowladda (Tidö) ay horay u go’aamiyeen inay adkeeyaan shuruudaha deganaanshaha.







