Xisbiga socialdemokraterna ayaa sheegay in uu saro u qaadayo canshuurta laga qaado bangiyada dalka iyo sidoo kale ganacsiga kale ee laga faa.ido lacagta xad dhaafka ah.
wasiirada dhaqaalaha sweden Magdalena Andersson ayaa shalay oo arbaco ah sheegtay hadalkaasi iyadoo intaasi ku dartay in lacagta dhan 5 billion saro loogu qaadidoono.
xisbiga Moderatka ayaa dhaleeceen adag u jeediyay qorshahaasi kuna tilmaamay mid aad u xun.
” Qorshaha Xisbiga socialdemokraterna waa mid kala daadsan oo aad u xun sidasi darteed Magdalena Andersson waxay isku dayeysaa in ay qariso sida ay siyaasada ugu fashilantay” Elisabeth Svantesson oo ka tirsan Xisbiga Moderatka ayaa sidaasi tiri.
sidoo kale waxaa cambaareyta jeediyay xisbiga bidix ee ka tirsan Xisbiyada kaasi oo tilmaamay in ay tahay canshuur adag.
Somaliska Stockholm