Home Wararka Caalamka Xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka oo Bedelayo Musharax Biden

Xisbiga Dimoqraadiga ee Mareykanka oo Bedelayo Musharax Biden

0
Angela Weiss / AFP - Getty Images

Deeq-bixiyayaasha ugu waaweyn ee Dimuqraadiga ayaa hadda billaabay inay si joogta ah uga soo muuqdaan warbaahinta, iyagoo ku baaqaya in si deg deg loo beddelo Biden, si loo helo musharrax awood leh oo doorashada November, kula tartama Trump.

Aasaasaha Netflix, Reed Hastings iyo maamulihii hore ee PayPal, Bill Harris oo malaayiin doollar ku bixiyay ololaha dimuqraadiga, ayaa soo jeediyay in la joogo waqtigii dimoquraadiga uu soo bandhigi lahaa musharrax rajo leh ah oo la tartama Trump.

Doodda la xiriirka in la beddelo Biden ee ka soo billaabatay kulanka doodda ahaa ee labada musharrax Biden iyo Trump ay yeesheen toddobaad ka hor ah, ayaa waxaa dabka ku sii shiday markii maalin ka hor waraysi uu bixiyay Biden, uu mar kale ka sheegay hadallo isku dhex yaac ah, sida inuu yahay haweenaydii u horeysay madow ah ee hogaamisa aqalka cad

Hadalkan ayaa si weyn u niyad jabisay taageerrayaasha dimuquraadiga, kuwaaso hadda u muuqda inay sare u qaadayaan cadaadiska ay ku doonayaan in la beddelo Biden oo la soo sharraxo musharrax cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here