Xisbiga Centerpartiet ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo in la dhimo da’da ugu yar ee carruurtu ku geli karaan dugsiga , lagana dhigo laba sano ilaa Saddex Sano.
“In goor hore la bixiyo boos carruurta dugsiga waa mid aad muhiim u ah marka laga eego dhinaca sinnaanta jinsiga, sababtoo ah waxay ka qayb qaadataa hooyooyin badan oo soo galaya suuqa shaqada, sidoo kale waxay ka qaybqaataa horumarinta isdhexgalka,” hogaamiyaha xisbiga Annie ayaa ku sheegtay shir jaraa’id oo maanta ah.
Intaa waxaa dheer, xisbigu wuxuu doonayaa inuu beddelo xeerarka ku saabsan hawlaha xilliga firaaqada (Fritids), si dhammaan carruurta la siiyo toban saacadood oo bilaash ah wiiggii laga bilaabo dugsiga ilaa fasalka saddexaad.
Annie lööf waxa ay sheegtay in xisbigeedu uu doonayo heshiis ballaadhan oo fog inta lagu jiro xilliga baarlamaanka ee soo socda ee arrimaha dugsiga.
“Haddii aan doonayno inaan ku guuleysano inaan ka hortagno ka-saarista, kordhinta sinnaanta jinsiga, iyo siinta carruurta dalka oo dhan si loo siman yahay, waxaan u baahannahay dugsi wanaagsan, caruur badan ayaa fursad u helaya inay aadaan iskuulo iyo waxqabadyo madadaalo,” ayay raacisay.