Dalkaan Sweden oo qaadka looga aqoonsanyahay daroogo sharci daro ah ayaa markii koowaad waxaa laga furay xarun lagu dhaqan toosiyo dadka sida ba’an qaadka u cunah. Xaruntaan ayaa waxaa laga furay xaafada Kista oo aan ka dheerayn xaafada soomaalidu ku badantahay ee Rinkeby oo ah halka qaad loogu cunista badanyahay magaalada Stockholm.
” Ruugista qaadku soomaaliya waxay ka tahay wax caadi ah, sida ay caadiga u tahay in la cabo koob kafee ah ama galaas khamri ah marka la joogo Sweden,” sidaas waxaa ku tirih joornaalka caafimaadka ka faaloodah ee Vårdguiden, haweeney madax ka ah qeybta daaweynta dadka daroogada qabatimay oo magaceeda la yiraahdo Gun Adnell. Ayada oo hadalkeedii sii wadatah ayey Gun Adnell waxay intaasi ku dartaya in qofku markii uu yimaado Sweden oo uu la kulmo dhaqan kiisii hore ka duwan,kuna adkaato in uu shaqo helo luuqadiina uu fahmi waayo ay aad u fududahay in uu daroogada la qabsado.
Yakoub Aw Aden Abdi oo ah dhakhtar daaweeyah cudurada maskaxda ku dhacah ayaa isla joornaalka Vårdguiden u sheegay in haween badan oo uu la kulmay ay u sheegeen in nimankii qabay ay kala tageen ka gadaal markii ragaas qaad cunkoodii uu gaaray heer xad-dhaaf ah.
Sweden qaadku waa ka mamnuuc laakiin waxa uu ku soo galaah si aan sharci ahayn oo dhuumaalaysi ah, sanadii 2010 waxaa Sweden lagu qabtay ilaa 14 tan oo qaad ah.
Qaadka oo aan inta badan dadka soomaliyeed u aqoon saneyn in uu daroogo yahay ayaa galaafatay nolosha iyo mustaqbalka qoysas badan oo soomaaliyeed ilaa hadana ma muuqato calaamado muujinayah xal u helista dhibaatada uu qaadku ku hayo bulshada Soomaaliyeed.