Tiro arday Soomaali ah ayaa sanadkan ka aflaxday ama ka qalin jabisay dugsiyada sare ee wadankan Swedan kuwaas oo u gudbaya heer jaamacadeed, waxaana ardayda Soomalida ah ka mid ah afar arday ah oo ku nool Magaalada Katrineholm waxa ayna kala yihiin Maxamuud Ismaaciil Ceydiid, Haboon Maxamed yuusuf, Maxamed C/laahi Xasan, iyo Samiira Macalin.
Ardaydan ayaa guul fiican ka soo hooyey halgankii ay u galeen xili dugsiyeedkooda, taas oo aakhirkii keentay in ay 12kii bishan June in ay koofiyadaha tuuraan, waxaana taasi ay farxad gaar ah ku beertay waalidiintii dhalay caruurtan iyo dhamaan Umada soomaaliyeed ee ku nool wadanka swedan gaar ahaan Magaalada Katrineholm.
ka dib xafladii dugsigooda loogu sameeyey ayaa waxaa la isugu yimid fagaare weyn halkaas oo ardaydan soomaaliyeed lagu gudoonsiiyey abaal marino qaali ah kuwaas oo ay ku talo galeen waalidiinta, walaalaha iyo asxaabta gaarka ah, waxaana dhamaan wijiyada dadkii halkaasi goob jooga ka ahaa ka muuqday farxad iyo reyn reyn.
WD: XasuusTV