Tirada ugu badan ee qaaday cudurka Corona gobolka Stockholm waxeey degan yihiin xaafadaha Rinkeby-Kista. Sida uu muujiyay tirokoobka cisbitaalada oo dhowaan la shaaciyay.
Marka la eego tirada xaafadahan ku nool iyo inta laga helay feyruuskan waxeey noqonaysaa 47 kiis tobankii kun ee qof ba.
-Feyruuskani gobolka oo dhan ayuu gaadhay, laakiin wuxuu si gaar ah ugu fiday xaafadaha Rinkeby-Kista iyo Spånga-Tensta, waxaanu filaynaa in ay sidaas ku socon doonto, ayuu sheegay Per Follin oo ah dhakhtarka ka hor taga faafinta cudurrada.
Halka ay 47 kiis 10-kii kun ee qof ba ka tahay xaafadaha Rinekby-Kista ayey xaafadaha kale ee gobolkan noqdeen 13 kiis marka la isku celceliyo.
238 kiis oo covid-19 ah ayaa illaa iyo lixdii bisha abriil lagu xaqiijiyay xaafadaha Rinkeby-Kista.
Somaliska Stockholm
Xigasho/radiosverige