ku dhawaad lix qof ayaa caawa lagu xiray Xaafada Hjulsta ee Waqooyiga Caasimada Stockholm halkaasi oo dhawaan lagu toogtay labo qof.
Sida ay booliska ku shaaciyeen lixda qof ayaa lala xiriirinayaa falal dambi ah oo dhawaan halkaasi ka dhacay.
Xubnaha la qabtay labo kamid ah ayaa lagu tuhunsan yahay dilka qof halkaasi horay loogu dilay.
ugu danbeyn bishii May ayay aheyd markii Xaafadaasi lagu dilay Nin 30 sano jir ah halka dhawaan labo qof sidoo kale la toogtay inkastoo mid uu u dhintay dhaawaca soo gaaray.
Xaafadaha Sida Tensta iyo Rinkeby ayaa laga dareemayaa Boolis badan iyadoo diyaarada nuuca Qumaatiga u kaca la arkayay caawa.
Somaliska Stockholm
Wararka kale ee Maanta
AD