Rabshado aad u xun isla markana u dhaxeeya kooxo ka dhisan Xaafada Södertälje ee Stockholm ayaa noqday kuwa aad looga hadal hayo halkaasi kadib todobaad ay ka dhaceen dhoor toogasho.
Toogashooyinka ugu danbeeyay ayaa dadka qaar murugo ku reebtay kadib markii Mid kamid ah Dhalinyarada la toogtay Qabrigiisa oo uu dultaagnaa walaalkiis oo shumac ku shidayay isna goobta lagu toogtay.
Hooyada dhashay labada walaalo ayaa sheegtay in falka dhacay u qaadatay mid kaftan ah markii ay booliska u sheegeen in la dilay wiilkeeda kale.
Mattias waa mid kamid ah walaalaha la dilay isla markana joogay Qabriga walaalkiis Ellia oo la toogtay bishii Abril ee sanadkan.
Södertälje waxaa ka taagan xaalad adag oo u dhaxeysa kooxaha gangiska iyadoo maanta ay ka dhacaan halkaasi banaan.baxyo looga soo horjeedo falkan Sida uu qoray Aftonpladet.