Waxaa sii kordhaya dhaleeceynta loo jeedinayo imaamka Masjidka Al-Rahma ee magaalada Kristianstad Saleh Abu Al-Ainin kadib markii ay soo shaac baxday wacdi uu jeediyay bishii July taasoo uu kaga hadlayay “xaq uu ninku u leeyahay in uu garaaco xaaskiisa” wuxuuna ku eedeeyay dumarka inta badan dhibaatooyinka guurka.
Wasiirka arrimaha bulshada Jakob Forssel ayaa warbixinta ay soo bandhigtay Expressen ku tilmaamay mid laga naxo oo aan gebi ahaanba la aqbali karin. Wuxuu ku soo qoray madasha X, “Baaqyada xadgudubyada ka dhanka ah haweenka marnaba lama aqbali karo muxaadaradan oo kale waa inaan marnaba laga jeedin masaajidada Sweden.”
Waxa uu sheegay in uu la xidhiidhay hay’adda dawladda ee masuulka ka ah, taas oo ay tahay in ay si degdeg ah u xaqiijiso in wax dhaqaale ah oo dawladdu ku bixisay masaajidka laga hadlayo iyo in kale.
Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan ku saleysan shuruudaha dimuqraadiyadda cusub la furi doono kiiskan haddii taasi la caddeeyo.
Wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmere Stenergård, oo ka soo jeeda Kristiansand, ayaa qoraal ay soo dhigtay X ku sheegtay in waxa dhacay uu ahaa “wadna xanuun”.