Wasiirka oo lagu magacaabo Horst Seehoferayaa qarka u saaran in shaqada laga cayriyo, kadib, markii uu hadal jeesjees ah sheegay markii la soo gaarsiiyey in Magan-gelyo-doon u dhashay dalka Afganitan oo ka mid ahaa 69 qof oo laga masaafuriyey Jarmalka is-daldalay markii lagu celiyey dalkiisa hooyo.
Wasiirka oo 69-sanno jirsaday maalintii ku xigtay markii uu Dhibanahaasi is-dilay ayaa u qaatay warkaasi naxrdita lahaa inay tahay Hadiyadda Maalinta Dhalashadiisa.
Marxuumka is-daldalay waxaa la oran jirey Jamaal Naasir Maxamuudi, oo 23-jir ah, kaasi oo Talaadadii la soo dhaafay isku daldalay
Xubnaha Dowladda Jarmalka ee Isbahaysiga ah iyo Mudanayaasha Barlamaanka dalkaasi waxay ugu baaqeen Ra’isul-wasaare Angela Merkel inay Wasiirkaasi xilka ka qaado.