In ka badan 350 oo qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waxay ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan, kaddib marki ay ciidanka Israa’iil Khamiisti shalay weerareen magaalooyinka ugu waaweyn Marinka Gaza.
Hase yeeshee, wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay, in duqeymo halkaasi ka dhacay xalay ay ku dhinteen ilaa 37 qof. Millatariga Israa’iil ayaa Khamiistii ku eedeeyay Xamaas in ay madaafiic kasoo tuureen agagaarka Rafax.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan jirin goob nabaddoon oo Gaza ku taalla. Sida ay sheegeen saraakiisha, in ka badan 85 boqolkiiba dhulki ay deganaayeen in ilaa 2 milyan oo qof ayay dadku ka barakaceen Marinka Gaza.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isticmaalay awood naadir ah oo uu uga digay Golaha Ammaanka “masiibo bini’aadantinimo” oo ku soo fool leh Gaza, isaga oo ku boorriay xubnaha golaha in ay dalbadaan xabbad-joojin.
Israel ayaa weerartay Gaza, kaddib marki ay Xamaas 7-badi bishi October weerareen Isra’il halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, soona afduubteen ilaa 250 kale.