Home Wararka Caalamka Waalidiinta oo lacag loo balan-qaaday Xili Germalka uu ku dhawaaqay Xiritaanka Dukaamada,...

Waalidiinta oo lacag loo balan-qaaday Xili Germalka uu ku dhawaaqay Xiritaanka Dukaamada, Iskuulada iyo Goobaha Xanaanada Caruurta

0

Hogaamiyaha Jarmalka ayaa sheegtay in dukaamada, iskuulada, iyo xarumaha xanaano maalmeedka inay xirmayaan inta lagu gudajiray ciida masiixiga ilaa bisha janaayo 10. Sharciyada cusub ee ay ku heshiiyeen 16ka hogaamiye ee dowlada Jarmalka ayaa dhaqan galaya laga bilaabo Arbacada.

Chancellor Angela Merkel waxay ku dhawaaqday in dukaamada badankood la xiri doono laga bilaabo Arbacada, oo ay weheliyaan iskuulada iyo xarumaha xanaanada caruurta.

Xayiraadaha cusubi waxay socon doonaan illaa ugu yaraan 10-ka Janaayo si looga caawiyo wax ka qabashada mawjadda labaad ee cudurka faafa ee coronavirus, kaasoo ciriiri galinaya nidaamka caafimaadka ee dalka .

Shir jaraa’id oo daba socday kulan ay yeesheen madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayay ku sheegtay in dalku si deg deg ah ugu baahan yahay wax ka qabashada sare u kaca ku yimid cudurada COVID-19.

Go’aanka ayaa lagu wadaa inuu carqaladeyn weyn ku sameeyo dukaamada, nidaamka waxbarashada iyo dadwaynaha inta lagu jiro ciidaha Kirismaska.

waalidiinta ayaa awoodi doona inay qaataan fasaxyo lacag leh si ay u daryeelaan carruurtooda.

Somaliska Barlin

Xigasho/DW

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here