Haweenka ugu badan ayaa ku biiray sanadkan barlamaanka sweden marka loo fiirsho tirada doorashadii hore soo gashay barlamaanka.
Haweenka soo galay barlamaanka ayaa gaaraya 161 Xildhibaan halka raga ay gaarayaan 185 xildhibaano taasi oo ka dhigan mid isku dhow.
Doorashadii hore ee sanadkii 2014 Haweenka soo galay barlamaanka ayaa gaarayay 154 xildhibaan halka raga ay ahaayeen 195 xildhibaan taasi oo ka dhigan in sanadkan ay haween badan soo galeen barlamaanka.
xildhibaanada ku cusub barlamaanka waxaa kamid ah wasiirada Arimaha bulshada Annika Strandhäll iyo hogaamiyaha xisbiga Kristdemokraternas Ebba Busch Thor kuwaasi oo horay uga tarsaneen.
Leila Ali Elmi oo kasoo jeeda asal ahaan Somaliya ayaa kamid ah xildhibaanada soo galay barlamaanka taasi oo mataleysa Xisbiga Miljöpartiet.
Miljöpartiet iyo Vänsterpartiet ayaa noqday labada xisbi ee ugu haweynka badan barlamaanka cusub ee sweden halka qofka ugu yar ee soo galay barlamaanka ay noqotay Ebba Hermansson oo 22 sano jir ah.