Home Wararka Caalamka Vladimir Putin: Aflagaadada Nebi “Muxammad” maaha xorriyatul qawl

Vladimir Putin: Aflagaadada Nebi “Muxammad” maaha xorriyatul qawl

0
khail Metzel, Sputnik, Kremlin Pool Photo/AP) TT

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku nuuxnuuxsaday in aflagaadada Nebi Muxamed aan loo arag xoriyatul qawlka oo aanay shaqo ku lahayn hal-abuurnimada, balse ay xadgudub ku tahay xorriyadda caqiidada iyo xad-gudubka dareenka xurmada leh ee Muslimiinta.

Putin wuxuu sheegay intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ee sanadlaha ah Khamiista in ku xadgudubka xorriyadda diinta iyo ku xadgudubka dareenka xurmada leh ee kuwa soo galaya diinta Islaamka ay dib u soo celinayaan nolosha muuqaallo kale oo aad u daran oo xagjirnimo ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka Tass.

Putin ayaa ammaanay guud ahaan xorriyadda wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay leedahay xad, ayna tahay in aan lagu xad-gudbin xorriyadaha kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa xusid mudan in dalka Ruushka uu yahay dal ay ku nool yihiin qowmiyado kala duwan iyo diimo kala duwan, waxaana Ruushku caado u ahaa in midba midka kale uu ixtiraamo dhaqammada kale, taas oo ka duwan sida uu madaxweynaha Ruushku ku tilmaamay ixtiraam la’aanta ka jirta dalalka kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here