Hoggaamiyaha xisbiga Moderatka Ulf Kristersson, ayaa faallo ka bixiyay natiijada doorashadii baarlamaanka, oo xisbigiisa uu ku helay aqlabiyad aad u yar oo ah 176 kursi, marka loo eego 173 kursi ee Garabka kale.
Kristersson ayaa soo dhigay muuqaal arrintan ku saabsan boggiisa Instagram
Waxa uu ku nuux-nuux saday in xisbigiisa Moderatka ah iyo xisbiyada kale ee uu ka tirsan yahay ay u xil-saaran yihiin sidii ay u keeni lahaayeen isbedel la doonayo.
Wuxuu sheegay in hadda uu bilaabi doono shaqada uu ku soo dhisayo dowlad cusub oo tayo leh.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxa aan rabaa in aan isku ururiyo, ee ma aha in aan kala qaybiyo, waxana aan uga mahadcelinayaa codbixiyaasha kalsoonida ay siiyeen”.
Natiijadii ka soo baxday tirinta codadka ee dhammaan degmooyinka dalka Sweden ayaa muujisay in garabka midig ee uu hoggaamiyo xisbiga Moderaterna oo ay ku jiraan xisbiyada KD Liberalers iyo Sverigedemokraterna ay ku guulaysteen farqi 3 kursi oo baarlamaanka ah marka loo eego Xisbiyada kale ee Socialdemokraterna, Miljöpartiet, Vänsterpartiet, iyo S.
Sidoo kale garabka midig ee uu hogaamiyo madaxweynaha Moderaterna Ulf Kristersson ayaa ku guuleystay 176 kursi, halka 173 ay heleen dowladda hadda jirta.