Home Wararka Caalamka Ugu Yaraan Sagaal Qof Oo Lagu Dilay Toogasho ka dhacday Dalka Canada

Ugu Yaraan Sagaal Qof Oo Lagu Dilay Toogasho ka dhacday Dalka Canada

0

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu toogtay laguna dilay dhacdo rasaas ah oo ka dhacday Tumbler Ridge ee gobolka British Columbia, Kanada, sida ay soo werisay CBC News.

Lix qof ayaa lagu helay meydkooda gudaha iskuulka sare, hal qof ayaa geeriyooday isagoo ku sii jeeday isbitaalka, halka laba qof oo kale lagu helay guri ku yaalla goobta.

Sida ay boolisku sheegeen, shakhsiga loo maleynayo inuu falka geystay ayaa lagu helay meydkiisa gudaha iskuulka.

Laba qof ayaa loo qaaday isbitaalka iyadoo diyaaradda ambalaasiga lagu qaaday, iyaga oo qaba dhaawacyo culus ama halis ku ah noloshooda. Intaa waxaa dheer, 25 qof ayaa lagu baarayaa xarun caafimaad, sida ay boolisku sheegeen.

Iskuulka Tumbler Ridge Secondary School wuxuu leeyahay 175 arday oo ka kala yimid fasalada 7aad ilaa 12aad, sida ay dowladda sheegeen.

Boolisku waxay aqoonsadeen qofka falka geystay, mana rumaysanayaan in ay jiraan dad kale oo ku lug leh ama in uu jiro khatar sii socota oo ku wajahan dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Mark Carney, ayaa sheegay inuu murugo ka muujinayo dhacdadan naxdinta leh. Carney wuxuu qorsheynayey inuu ka qayb galo shir amni oo ka dhacaya Munich, Jarmalka toddobaadkan, laakiin hadda wuu joojiyey.

Dhacdadan ayaa ah toogashadii ugu horreysay ee dad badan lagu toogto tan iyo 2016.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here