115 xubnood oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish (Islamic State) ayaa waxaa gacanta ku dhigay maamulka Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerarro inta lagu jiro dabaaldegyada Kirismaska iyo Sannadka Cusub ee dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha guud ee magaalada Istanbul, iyadoo ay werisay Reuters.
In ka badan 120 goobood oo ku yaalla Istanbul ayaa la baaray, waxaana la xiray 115 qof oo ka mid ah 137 qof oo la tuhunsanaa.
Booliiska ayaa sidoo kale helay hub iyo rasaas.
Xafiiska dacwad-oogista ayaa tuhunsan in kooxdan ay qorsheynayeen weerarro si gaar ah loola beegsado dadka aan Muslimiinta ahayn.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD







