
Madaxweyne Trump ayaa markii u horreysay si cad u sheegay in weerarradii ka dhacay gudaha Iiraan lagu dilay hoggaamiyaha sare, Cali Khamenei iyo xubno kale. wuxuuna yiri
“Khamenei ma uusan awoodin inuu ka baxsado sirdoonkeena iyo nidaamyadeena raadraaca ee aadka u horumarsan. Anagoo si dhow ula shaqeynayna Israa’iil, isaga iyo hoggaamiyeyaashii kale ee lala dilay waxba ma qaban karin.Tani waa fursaddii ugu weyneyd ee shacabka Iiraan ay dalkooda dib ugu soo ceshan karaan.
Xubno badan oo ka tirsan ilaalada kacaanka, militariga, ciidamada amniga iyo booliska ma doonayaan inay sii dagaallamaan, waxayna raadinayaan cafis.
Sidii aan hore u iri, ‘Hadda way heli karaan cafis, goor dambe , waxay heli doonaan geeri oo keliya!’
Waxaan rajeynayaa in IRGC iyo boolisku ay ku biiri doonaan muwaadiniinta Iiraan ee dalkooda jecel si ay dib ugu soo celiyaan dalkooda sharaftii iyo weynaantii uu mudnaa.
Duqeymaha culus ee bartilmaameedka ah way sii socon doonaan, iyadoon wax hakad ah jirin, ilaa laga gaarayo nabad guud oo ka jirta Bariga Dhexe iyo dunida.”
Balse, iyadoo Trump uu sheegayo in la dilay Khamenei waxaa dhinaca Iiraan ka imaanaya warar lagu beeninayo illaa barta X ee hoggaamiyaha sare lagu billaabay in farriimo lagu baahiyo, halka Mohammad Esmail Kowsari, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Iiraan, uu yiri: “Caafimaadka Hoggaamiyaha sare, Cali Khamenei, aad buu u wanaagsan yahay; dadka waa inaysan rumaysan been abuurka warbaahinta.Khamenei ayaa hadda hoggaaminaya dagaalka, wuuna nabad qabaa.Waxay faafinayaan wararkan si ay u qariyaan fashilka ka soo gaaray waxa ay ugu yeereen dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo inaysan gaarin yoolalkoodii.”






