Nin 60-sano jir ah ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in uu 100 xabbadood ku furay waddo mashquul badan oo ka tirsan Magaalada Sydney , isaga oo dhaawacay 20 qof oo mid ka mid ah uu halis yahay.
Booliska ayaa isniintii meesha ka saaray in dhacdadani ay la xiriirto argagixisanimo ama dambiyada burcadda.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, 60-jirka ayaa la sheegay inuu si aan kala sooc lahayn u toogtay baabuur marayay goobta iyo askar booliis ah.
Qofka la qabtay ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana laga daweynayaa dhaawac soo gaaray.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD